Wacyigalin Ku Aadan Cudurka HIV AIDS Oo Looqabtay Ardayda Waxkabarata Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI

Jigjiga (cakaaranews)Axad, 28ka January 2018. Waxaa hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyio adeega shacabka kaqabsoomay kulan wacyigalin ah oo kuaadan kahortaga cudurka dilaaga ah ee HIV AIDS kaasoo loo qabtay ardayda wax kabarata kuliyadaasi.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ka hadlay Gadhwadeenka G/Socodka Waxbarashada Ee Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI Mudane Xasan Xuseen Akli Iyo Waliba Gadh Wadeenka G/S Kahortaga Iyo Xakamaynta HIV AIDS Ee Xafiiska Kahortaga Iyo Xakamaynta  HIV-AIDS mudane Nadiir Maxamed. Oo sheegay in kulankani yahay mid wacyigalin ah kaasoo larabo in ardayada kuliyadu fahan buuxa kaqaataan dhibaatooyinka cudurka HIV–AIDS iyo waliba sidii looga gaashaamaan lahaa waxyaabaha laga qaado cudurkan. Waxayna agaasimayaashu tilmaameen in larabo in kulankan lagu xoojiyo clubyada ama kooxaha wacyigalinta HIV AIDSK ee kuliyada.

Iskusoowada duuboo, kulamada wacyigalinta ee noocaan ah ayaa ah mid uu xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS uu uqabto ardayda kuliyadaha iyo dugsiyada sare ee deegaanka si fahan uga yeeshaan isuna ilaaliyaan.