Qiimayn Loo Qabtay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan

Jigjiga(cakaaranews)Axad 28ka January 2018. Waxaa Hoolka shirarka ee Kaali 2 ka qabsoomay kulan qiimayn ah oo loo qabtay heerarka kaladuwan ee hogaaminta xafiisyada heer deegaan oo ay kamid yihiin wasiirada, maareeyayaasha, wasiir kuxigeenada iyo waliba maareeye kuxigeenada xafiisyada iyo wakaaladaha heer deegaan.

Hadaba, kulankan qiimaynta ah oo ay hogaaminayeen Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo Uu Waheliyo Afhayeenka Baarlamaanka Ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa diirada lagu saarayay nidaamka adeeg bixinta xafiisyada iyo ilaalinta saacadaha shaqada shaqaalaha. Taasoo katurjumaysa nidaamka dabagalka isla xisaabtanka iyo cadcadaanta uu deegaanku leeyahay. Si looga midho dhaliyo qorshayaasha shaqo ee u yaala xafiis kasta oo dawli ah.

 

Iskusoo wada duuboo, qiimayntan qotoda dheer oo ahayd mid kor iyo hoosba lagu qiimaynayay nidaamka shaqada iyo gudashada waajibaadka shaqaalaha ayaa waxaa lagu amaanay xafiisyada heerdeegaan sida ay uga soo baxeen qorshayaashii u yiilay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana lagu booriyay inay sii labo jibaaraan dadaalkooda si looga midho dhaliyo qorshayaasha lixda bilood ee dhiman