MW CMC Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Heer Deegaan Ah Oo U Kicitimay Xarunta Dalka Ee Adhisababa.

Addis-ababa(cakaaranews)Axad, 28ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo ay wahelinayaan mas'uuliyiin sare oo heer deegaan ah ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga anbabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada adhisababa. Iyadoo ay madaxwaynaha iyo waftigiisuba ay kaqaybgali doonaan kulan kadhaci doona xarunta dalka ee adhisababa. kulankaas oo lagaga wada hadali doono sidii dib udajin loogu samayn lahaa barakacayaasha labada deegaan ee soomaalida iyo oromada. sidookale Madaxwaynaha ayaa kaqaybgali doona shirka Males Foundation.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiintii kale ee wahelinaysay ayaa wakhti xaadirkan kusugun caasimada dalka ee magaalada Adhis ababa.