Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Qurba Joogta DDSI Oo Tababar U Soo Xidhay Shaqaalaha Xafiiska.

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 29ka January, 2018. Xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta  DDSI ayaa tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) u soo gabagabeeyay shaqaalaha iyo hawl wadeenada xafiiska DDSI.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay qaarka mid ah masuuliyinta xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI oo ay ka mid yihiin gadhwadeenka geedi socodka taakulaynta arimaha gudaha xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI  mudane Xirsi Cabdi Axmed iyo gadh wadeenka geedi socodka xidhiidhka jaaliyadaha DDSI ee xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Maxamed Cali  kuwaas oo  sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga lahaa tababarkan oo ah in  shaqaalaha lagu tababaro sidii ay fahan buuxa uga yeelan lahaayeen hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran, xoojinta maamulka suuban, axdiga muwaadiniinta iyo ciidanka horumarka waxayna ka  warbixiyeen  jihooyinka uu xooga saaraya barnaamijkan waxqabadka isku dheeli tiran oo ah qancinta macaamiisha gaar ahaan gancinta qurba joogta DDSI

 

Waxayna, masuuliyiintu intaasi ku dareen in  barnaamijkan halbeega waxqabadka isku dheelitiran lagaga midho dhalinayo  geediga shaqooyinka lagu gaadhayo  horumarkaoo joogtaysan   si gaar ahna u tilmaamayo  tabaha iyo xeeladaha lagu fulinayo  qorshaha GTP2ga  waxayna kula dar-daarmeen  in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan cashiradii ay ka barteen tababarkan si loo gaadho natiijada

 

Dhankooda qaarka mid ah shaqaalaha xafiiska ee loo soo gabagabeeyay tababarkan  oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinka ay ka heleen mudadii uu socday tababarku waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u taabagalinayaan islamarkaana guulo waawayn ka soo hoynayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan.