Shirwaynihii 2aad Ee Dhimista Nafaqo Darada Iyo Damaanad Qaadka Cuntada Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 29ka January, 2018. Shirwaynaha 2aad ee dhimista nafaqo-darnada iyo damaanad qaadka cuntada ee wadamada afrika oo ah shirwayne heer caalamiya islamarkaana ay siwada jir ah u soo diyaariyeen xafiiska caafimaadka DDSI, jaamacada jigjiga   ayaa ka furmay maanta magaalada jigjiga.

Waxaana shirwaynaha 2aad furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee JDFI, dhakhaatiir iyo cilmibaadhayaal ka socday jaamacadaha iyo machadyada dalka itoobiya, masuuliyiinta iyo shaqaalaha jaamacada jigjiga,  masuuliyiin iyo aqoon yahano ka kala socday jaamacadaha caalamka iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii shirkan ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo soo dhawayn ka dib sheegay in shirkan mudada uu socdo lagu soo bandhigidoonoa daraasaadyo iyo cilmibaadhis lagu nafaqo darnada iyo damaanad qaadka cuntada oo laga fuliyay qaarka mid ah wadamada Africa kuwaasi oo ahaa qorshayaashii lagu kala qaatay shirwaynihii 1aad ee dhimista nafaqo darnada iyo damaanad qaadka cuntada wasiirka ayaa sheegay in gabagabada shirkan laga soo saaridoona jihooyin iyo qorshayaal lagaga midho dhalinayo dhimista nafaqo darnada iyo damaanad qaadka cuntada.

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii shirkan madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahin  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka shirwaynaha heer caalami wuxuuna sheegay madaxwaynaha jaamacada jigjiga in shirkan uu yahay mid xalwaara lagaga gaadhayo sidii loo tir-tirilahaa nafaqo darnada loona xaqiijin lahaa damaanad qaadka cuntada  madaxwaynuhu in jaamacada jigjiga u diyaar u tahay fulinta qorshe yaal balaadhan oo lagaga midho dhalinayo nafaqo darnada iyo damaanad qaadka cuntada.