Shirkii Minneapolis Iyo Beelwaynta Sharafta Leh Ee Gabooye

Minneapulis(cakaaranews)Talaado, 30 January 2018. Waxaa magaalada minneapolis ee cariga maraykanka si meeqaaam sare leh uga qabsoomay Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen beelwaynta gabooye ee kudhaqan cariga maraynkanka. kaasoo ay ku tageerayaan shirkii wada tashiga xukuumada iyo beesha gabooye ee kadhacay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyo waliba shirkii wada tashiga xukuumada iyo shacabka DDSI ee kaqabsoomay degmada Raaso ee Gobolka Afdheer.  

Hadaba, kulankan beelwaynta shaarfta leh ee gabooye ayaa waxaa kasooqaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo heer deegaan ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Gaadiidka Iyo Warshadaha DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Maareeyaha Machadka Cilmi Baadhista DDSI Mudane Guuleed Awcali Kaahin iyo waliba cuqaasha, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada  beelwaynta gabooye ee kusugan cariga maraynkanka. iyadoo kulankana ugu horayntii lagu furay heesta calanka DDSI.

Sidookale, Kulankan ayaa intii uu socday waxaa khudbad muhiima ah kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka Iyo Warshadaha DDSI Mudane Khaddar Cabdi Ismaaciil oo sheegay in ay tahay  taariikhada abid markii ugu horaysay ee soomeeli meel ay kajirtaba la jabiyo nidaamka dhaqan gumaysiga iyo yasida dhaqamada soomaalida qaarkood islamarkaana ay xukuumada DDSI horseed kanoqotay tabinta fikradaas aan sal iyo raadtoona lahayn ee nidaamka dhaqan gumaysiga ah. Wuxuuna xusay wasiirku in arrintaas jabinteeda ay xukuumadu kulamo doodcilmeedyo ah oo lagu raad raacayo taariikhda beesha gabooye iyo waliba shirar shaac ah oo loo dhanyahay la qaadatay aqoonyahanka, odayaasha iyo waxgaradka kala duwan ee deegaanka iyo waliba kuwa beesha gabooye. Sidookale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa si qoto dheer uga warbixiyay isbadalka horumarineed ee ay xukuumadu ku talaabsatay 8dii sano ee u danbaysay deegaanka ee dhinacyada horumarka nabadgalayada iyo maamulka suuban.

Dhanka kale, beelwaynta sharafta leh ee gabooye ee kusugan cariga maraykanka ayaa cadeeyay in arrintan jabinta fikirkan dhaqan gumaysiga ee ay kudhaqaaqday xukuumada DDSI ay tahay mid aan waligeed kadhicin meel ay soomaali dagto ama caalamkaba iyagoo kutilmaamay in arrintani ay tahay arrin taarikhda baal dahab ah ka gashay islamarkaana ku amaanay xukuumada DDSI in ay taariikhdu xusi doonto. Waxayna beeshu tilmaameen in ay si baladhan u taageersan yihiin isbadalada balaadhan ee Horumaka, Nabadgalyada iyo Maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka islamarkaana ay wacad ku marayaan in ay kaalintooda kaga aadan kaqaadanayaan.

Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo niyad kamidaysan gaadhida horumarka aan dib unoqoshada lahayn ee uu dalkeenu kaga mid noqonayo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.