Kulan Lagu Daahfurayay Daraasaadyo Laga Sameeyay Deegaanada Xoolodhaqatada Ah Ee Dalka Oo Kadhacay Magaalada Jigjiga

Jigjiga (cakaaranews) Khamiis, 1da Februay 2018. Waxaa magaalada jigjiga kaqabsoomay kulan wada tashi ah oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen wasaarada xooolaha JDFI iyo baankiga aduunka islamarkaana lagu soo bandhigayay natiijadii labo darasadood oo muhiim ah oo kala ah heerakii kaladuwanaa ee ay soomareen deegaanada xoolo dhaqatada ah ee uu deegaankeenu kamidka yahay iyo waxyaabaha laga bartay iyo waliba qabkii loo dajin lahaa qorshaha 10ka sano ee ku aadan horumarinta deegaanada xoolodhaqatada ah.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiis kahadlay  Wasiiru Dawalaha Wasaarada Arrimaha Federaalka Iyo Xoolodhaqatada JDFI Mudane Kedaki Gezahun oo sheegay in sanadihii lasoo dhaafay  ay  kazoo gudbeen marxalado badan taasoo ah masaafo aad u dheer oo ay isbadalo badani kuyimaadeen islamarkaana natiijo wax ku ool ah laga keenay gaar ahaan dhinaca arrimaha bulshada iyo dhaqaalahaba.

Sidookale, kulankan ayaa waxaa iyana kahadlay masuuliyiin heer deegaan ah  oo sheegay in kulankani yahay mid aad muhiim ah cilmibadana kufadhiya islamarkaana lagu soo bandhigay siyaasadaha iyo qorshayaashii loo dajiyay hada kahor iyo kuwa loo dajinayo 10 kasono ee soosocda deegaanada xoolo dhaqatada ah.

 

Iskusoowada duuboo, kulankan oo ay kasooqaybgaleen mas’uuliyiin heer dal ah iyo kuwa heer deegaan ah ayaa waxaa lagu kala qaatay macluumaadyo muhiim ah.kuwaasoo lafilayo inay waxtar u yeeshaan deegaanada xoolo dhaqatada ah ee uu deegaankeenu kamid kayahay.