Tababar kor loogu qaadayo awooda shaqaalaha bahwadaagta la ah daryeelka caruurta oo ka bilaabmay xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI



Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 2da February 2018. Tababar uu soo agaasimay waaxda daryeelka caruurta ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI ayaa ka bilaabmay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa awooda shaqaalaha xafiisyada bahwadaagta ah ee dhinacyada daryeelka caruurta ayaa waxaa kasoo qaybgalay 30 xubnood oo ka kala socday xafiisyada heerdeegaan iyo dagmooyinka gaashaamo, danood, baabili, awbare, maamulka magaalada jigjiga, maamulka magaalada qabribayax,

Agaasinka waaxda daryeelka caruurta ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta Mudane Mursal Maxamed oo ka hadlay furitaankii tababarka ayaa sheegay in tababarkani socon doono mudo labo maalmood ah iyadoo lagu qaadan cashiro laxidhiidha sidii adeeg hufan loo siin lahaa caruurta deegaanka xiliyada emergansiga. Waxa uuna agaasinku ku boorriyay kasoo qaybgaleyaashii tababarkan inay siwanaagsan u fahmaan oogana qaybqaataan tababarka inta uu socdo.

Ugudambayn, shaqaalaha waaxda caruurta ayaa si hufan u  bilaabay cashiradii muhiimka ahaa ee tababarka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, maaraynta kiisaska caruurta, taageerada maskaxda iyo tacadiyada kadhanka ah ee loo gaysto caruurta iyo haweenka.