Tababar Loo Qabtay Gudiga Dib Umeelaynta Shaqaalaha Ee Degmooyinka Iyo MM

Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 3da February 2018. Waxaa xarunta deegaaka ee magaalada Jigjiga kafurmay tababar loo qabtay gudiyada dib umeelaynta shaqada iyo shaqalaha ee Gobolada, degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka islamarkaana lagu tababarayo barnaamijka darajo siinta shaqaalaha ee loo yaqaano “Job Evaluation Grade“(JEG) kaasoo sanadahanba kasocday dhamaan dalkeenan Ethiopia.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska  Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Mudane Axmed Maxamed Koore oo sheegay in barnaamijka Darajosiinta shaqada uu yahay barnaamij aad muhiim ugu ah shaqada iyo shaqaalaha islamarkaana ah barnaamij is waafajinaya nooca shaqada iyo shaqaalaha kaasoo hirgalintiisu sanadkii ugu danbeeyay kasocday xafiisyada heerdeegaan hadana larabao in loo dhaadhiciyo dhamaan gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka. Wuxuuna Wasiirku intaa kudaray in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo aqoonta gudiga dib u meelaynta ee gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI islamarkaana lagu tababarayo barnaamijka Darajosiinta shaqaalaha si ay uga hirgaliyaan goobaha ay kakala yimaadeen. Wuxuuna kula dardaarmay shaqaalahan tababarka qaadanaya in sifiican ay ula socdaan casharada islamarkaana ay noqdaan kuwo fahan buuxa kaqaata barnaamijka JEG ee larabo in ay kahirgaliyaan Gobolada Degmooyinka Iyo MM.

 

Iskusioowada duuboo, xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa ah xafiis utaagan kobcinta awooda shaqaalaha, meelaynta iyo waliba hirgalinta barnaamijyada dib uhabaynta shaqada iyo shaqaalaha DDSI.