MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Anbabaxay Magaalada Diridhaba

Diridhaba(cakaaranews)Axad, 4ta, February 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin uu hogaaminayo ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga anbabaxay dhanka xarunta ismaamulka diridhaba ee magaalada diridhaba. Iyadoo madaxwaynaha iyo wafitigiisuna ay kaqaybgali doonaan shir kadhici doona magaalada diridhaba islamarkaana lagaga wada hadli doono xalinta dhibaatada xuduuda  ee u dhaxaysa deegaanka soomaalida itoobiya iyo deegaanka Oromada.

 Hadaba, Madaxwaynaha DDSI  iyo waftigiisa ayaa wakhti xaardirkan ku sugan ismaamulka diridhaba.