Tababar Ku Saabsan Arimaha Xuquuqul Insaanka Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 4ta February, 2018. Waxaa la soo gabagabeeyay tababar ku saabsan kor u qaaditaanka iyo dar dargalinta arimaha xuquuqul insaanka oo u soo diyaariyay xafiiska  xeer ilaalinta guud iyo cadaalada  DDSI.

Tababarkan oo loo hayay xubno ka socday dhamaan xafiisyada heer deegaan ujeedadiisuna ahayd dar-dargalinta qorshayaasha xuquuqul inshaanka ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiirka  xeer ilaalinta guud iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu lahaa tababarkan isaga oo sheegay in si gaar ah diirada loogu saarayay arimaha xuquuqul insaanka khaasatan xuquuqaha madaniga ah, xaqa sharafta, xaqa sinaanta, nolosha gaar ahaaneed, diinta, xoriyada  hadalka iyo qodobo kale oo la xidhiidhka xuquuqul insaanka, wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay doorka uu xafiiska xeer ilaalinta guud iyo cadaaladu ku leeyahay taaba galinta iyo dabagalka arimaha xuquuqul insaanka iyo guulaha uu ka gaadhay, Wasiirka ayaa ku booriyay xubnahan qaatay tababarkan ee ka socday xafiisyada heer deegaan iyo ka midho dhaliyaan ujeedooyinka iyo ahmiyada laga lahaa tababarkan si loo gaadho natiijada ujeedata tababarka sidoo kalena xafiisyada heer deegaan marka ay diyaarinayaan qorshayaashoda sal uga dhigaan arimaha xuquuqul inshaanka.

 

Dhankooda xubnihii ka socday xafiisyada heer deegaan ee qaatay tababarkan oo socday mudo 2ba maalmood ah oo  la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay ayaa sheegay in ay fahan balaadhan ka heleen cashiradii ay ku barteen mudadii uu socday tababarku islamarkaana ka midho dhalindoonaan ujeedada laga lahaa tababarka.