Tababar Kusaabsan Sidii Loo Maamuli Lahaa Dhacdoonyinka Masiibooyinka Ee Uu Isbadalka Cimiladu Yeelan Karo Oo Kadhacay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 5ta February 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka bilawday Tababar kusaabsan sidii loo maamuli lahaa  Dhacdoonyinka masiibooyinka ee ay isbadalka cimiladu keeni karto. Kaasoo ay kasooqaybgaleen 30 xubnood oo laga soo kala xulay xafiisyada heerdeegaan.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Kahortaga Iyo Udiyaar Garawga Masiibooyinka DDSI Mudane Xuseen Maxamed oo sheegay in shirkani kusaabsanyahay nidaamka maamul ee dhacdooyinka masiibooyinka ee ka iman kara isbadalka cimilada. Wasiirka ayaana kula dardaarmay in kaqaybgalayaashu ay sifiican ulasocdaan mudada uu casharku socdo.

Sidookale, Agaasinka Digniinta Hore Iyo Jawaabcelinta Ee Xafiiska Kahortaga Iyo U Diyaargarawga Masiibooyinka Mudane Cabdirisaaq Axmad Maxmed oo sheegay in ujeedada kadanbaysa tababarkani ay tahay in larabo in Xafiiska DPPB laga maamulo wixii dhib ah ama masiibo ah ee ay isbadalka cimiladu keeni karto. Iyadoo laga aasaasayo gudiyo xafiisyada bahwaadaagta la ah  xafiiska islamarkaana halmeel laga maamulo hadii dhib ama masiibo jirto. Wuxuuna xusay in wixii dhib ah ama masiibo ah ee timaada loo diyaargarawbayo oo laga maamulo halmeel ah oo ah xafiiska DPPB dhaxdiisa.

 

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa socon doona mudo 6 maalmood ah. Iyadoo tababarkana  laga filayo in uu faaiido dhaxagal ah  uyeesho kaqaybgalayaasha.