MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ku Soo Noqday Xarunta Deegaanka

Jigjiga(cakaaranews), talaado 6ta, February 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo ka qaybgalay shirkii ka dhacay xarunta ismaamulka  magaalada diridhaba ee lagaga hadlayay sidii xalwaara  looga gaadhilahaa xalinta xuduudaha deegaanka soomalida itoobiya iyo deegaanka oromada khaasatan sidii dib u dajin loogu samaynlahaa dadka ka barakacay labada deegaan iyo waliba sidii dib loogu celin lahaa bulshada  soo barakacay deegaanada ay ka soo barakaceen ayaa ka dib markii uu dhamaatay shirkaasi waxay maanta madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisu  dib ugu soo noqdeen xarunta deegaanka ee jigjiga.

 Hadaba, Madaxwaynaha DDSI  iyo waftiga uu hogaaminayay  ayaa wakhti xaardirkan ku sugan caasimada deegaanka ee jigjiga..