Mashruuca Dhismaha Guryo Wadareedka Laga Wado Garabcase Ee Magaalada Jigjiga Oo Meel Gabogabo Ah Maraya

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 6da February 2018. Waxaa meel gabagabo ah maraya mashruuca dhismaha guryo wadareedka ee lagawado xarunta deeganaka ee magaalada jigjiga gaar ahaan Garabcase. Kuwaas oo ay dhismahoodu socdeen mudo 3 bilood ah islamarkaana tiradoodu dhan tahay 100 Gibi.

Dhismaha guryahan oo ah dhismo casri ah islamarkaana loogu talagalay in looga faaiideeyo shacabka kunool magaalada jigjiga si loo daboolo baahiyaha kajira dhanka guryaha ayaa waxaa fulinaya wakaalada horumarinta guryaynta DDSI oo kaashanaysa wakaalada naqshadaynta DDSI.

Hadaba, Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Guryaynta DDSI Marwo Raxma Riyaale Cumar oo sheegtay in dhismaha guryo wadreedkani ay socdeen mudo sadex bilood ah islamarkaana ay tiradoodu dhantahay 100 gibio kuwaas oo si tayo leh loodhisay. Waxayna xustay marwadu in guryahani ay hada marayaan gabagabdii u danbaysay wakhtiyar kadibna xadhiga laga jari doono. Waxayna tilmaantay in wakaladu ay dadaalo ugu jirto in ay tirtirto baahida kajirta dhanka guryaynta ee magalaada jigjiga.

Sidookale, qaar kamid ah madaxdii hore ee deegaanka soomaray, odayaasha,  suldaamada iyo waliba hooyooyinka oo ah kuwa guryaha dhismahan qandaraaskooda looga faa’iideeyay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in xukuumadu dhiirigalin badan samaysay islamarkaana qandaraaska guryahan dhismahooda ay uga faaiidaysay. iyaguna si hagar la aan ah oo kudaysho mudan ay dhismahooda u wadaan. waxayna xuseen in Wakhti xaadirkan ay meel gabogabo ah marinayaan si quruxbadan oo tayo lehna loo dhisay.

Iskusoowad duuboo, dhismaha guryo wadareedkan ayaa waxaa laga filayaa in qayb libaax ay kaqaataan quruxda bilicda magaalada jigjiga  islamarkaana looga faaiideeyo shacabka shaqaalaha iyo waliba shacabka guryo la’aanta ah.