XDSHSI Oo Go’aanka OPDO Ee Oromada Ku Tilmaamay Mid Geesinimo Leh

 

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 7da February 2018. XDSHSI, Xukuumada iyo shacabwaynaha deegaankuba waxay go’aan geesinimo leh ku tilmaameen go’aankii uu gaadhay xisbiga OPDO ee deegaanka oromada gaar’ahaan qodobada go’aanka ee khuseeya soomaalida.

Hadaba XDSHSI, xukuumada iyo shacabka DDSI ayaa soo dhaweeyay islamarkaana sheegay inuu go’aankan yahay mid ku dayasho mudan. Waanakan qoraalkii axmaariga ahaa ee aan kasoo xiganay.

ከኦሮሞ ሕዝብ ዴሞክራሲያዊ ድርጅት ማዕከላዊ ኮሚቴ የተሰጠ ድርጅታዊ መግለጫከኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ሕዝቦች ጋር የነበረንን መልካም ግንኙነት በመመለስ እንደ ወንድማማች ሕዝቦች የባይተዋርነት ስሜት እንዳይፈጠር በሚያስችል መልኩ በታላቅ የኃላፊነትስሜት እንዲመራ ግዚያዊ ችግሮችን ፈተን ለዘላቂ የጋራ ጥቅሞቻችን በወንድማማችነት መንፈስ እነድንረባረብ የሶማሌም ይሁን ሌሎች ብህረ ብሄረሰቦች በኦሮሞ ባህልና የገዳ ስርዓተ ባስተማረን መልኩ በፍቅርና በአብሮነት እንዲኖሩ ለማስቻል ሕዝቡ የበኩሉን ሚና እንዲጫወት ማዕከላዊ ኮሚቴው ጥሪ አቅርቧል፡፡

የሐሳብ ልዩነቶችን ማጥፋት አስቸጋሪ እንደሆነ እሙን ነው፡፡ ስለሆነም ሁል ጊዜ ለውይይትና ለክርክር አውድ ማስፋት አስፈላጊ መሆኑ ታምኖበታል፡፡ ፍላጎትን በውይይት እንጂ በኃይል የማስረጽ ዝንባሌ እንዳይታይ በቀጣይነት መስራት እንደሚያስፈልግም መግባባት ላይ ተደርሷል፡፡

Dhanka kale Waanakan go’aankii ay gaadheen xisbiga OPDO ee deegaanka oromada intii ka khusaysay deegaanka soomaalida oo ku turjuman af soomaali.

 Waxayna qaraarkaas udhigeen sidan:-

Waxaan soo ceshanaynaa xidhiidhkii walaalnimo ee nagala dhexeeyey shacab waynaha soomaalida itoobiya,waxaana si walaalnimo iyo sharaf kudheehan tahay meesha looga saari dareenada khaldan ee laab lakaca ah. Sidoo kale waxaa si mas'uuliyad iyo Taxadar kudheehan yahay loo xalin dhibaatooyinka xiliilaha ah ee aan soo jireenka ahayn islamarkaana waxaan si dareen walaalnimo leh uga wadashaqaynaynaa faa’iidooyinkeena guud, waxaana shacabwaynaha oromada kacodsanaynaa inay shacabka qoomiyada soomaalida iyo shucuubaha kaleba ay ulanoolaadaan nidaamkii isjacaylka iyo iskaashiga lahaa ee uu dhaqanka oromada ee gadhaagu lahaa.


Sidoo kale waxay Golaha dhexe ee OPDO aaminsan yihiin inay jireen kaladuwanaansho fikir oo aan laxalinin. Sidaadarteedna wuxuu xisbigu hoosta kaxriiqay in mar walba kaladuwanaanta aragtiyaha lagu xaliyo wadaxaajood iyo wadahadal islamarkaana aan Isfahan darrada dagaal ama qalalaaso looga jawaabin ee wada xaajood iyo Isfahan lagu dhameeyo ayuu goluhu mustaqbalka dhow kashaqayn doona.