Degmada Raaso Oo Laga Fuliyay Adeegiii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha

Raaso(cakaaranews)Arbaco, 7da February 2018. Waxaa degmada raaso ee gobolka afdheer lagu soo gabagabeeyay adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha kaasoo looga faaiideeyay bulshada kudhaqan degmada raaso iyo nawaaxigeeda.  Iyadoo adeegana ay fulinayeen kooxda daawaynta iyo qaliinka indhaha ee wareega.

Hadaba, qaarkamid ah bulshadii looga faa’iideeyay adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha islamarkaana aragoodii dib u heshay oo warbaahintu waraysatay ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsanayihiin islamarkaana dareenkooda farxadeed aysan odhaah iyo eray kutilmaami Karin. Waxayna bulshada aragooda dib u helay qaarkood xuseen in ay indho la aayeen mudo kabadan 15 sano islamarkana ay u mahadcelinayaan xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo madaxawaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta fulinaysay adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha iyo waliba masuuliyiinta dagmada raaso oo iyana kahadlay adeegan ayaa sheegay in si fiican ay ufuliyeen adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha ee degmada raaso islamarkaana looga faaiideeyay dad kor udhaafaya 2 kun oo shaqsi oo isugujira daawayn, muraayado iyo waliba qaliin.

Iskusoowada duuboo, kooxda wareegta ee adeega qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa ah mid gaar u ah DDSI islamarkaana ay hirgalisay Xukuumada DDSI. Iayadoo adeegana laga fuliyay degmooyin badan oo degaanka ah, kuwa hadhayna laga fulindoono.