Joojinta Gudniinka Gabdhaha Iyo Munaasabad Kusaabsan Oo Kadhacday Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 8da February 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay munaasabad lagu maamusayo xuska maalinka Joojinta Gudniinka Gabdhaha ah ee afka qalaad loogu yeedho Female Genital Maturation (FGM). Kaasoo ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI , shaqaalaha kahawlgala xafiiska, culimo awdiinka, odayaal dhaqameedka, hooyooyinka iyo waliba marti sharaf kale

munaasabadan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo hay’adaha bahwadaagta la ah xafiiska. Iyadoo munaasabadana  halkudhag looga dhigay   ’’Aan Xaqiijino Balanteena Dabargoynta Gabdhaha Anagoo Xoojinayna Iskuxidhnaanteena Iyo Wadashaqaynteena’

Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa furitaankeedii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo si qoto dheer uga hadashay ujeedada munaasabadan iyo waliba shuruucda  tastuurka dalka ee ku’aadan haweenka iyo caruurta islamarkaana tlmaantay dhibaatooyinka gudniinka fircawniga ah. Waxayna wasiirku carabaka kudhufatay in xukuumada DDSI ay go’aamo cadcad ka soosaartay joojinta gudniinka Gabdhaha. Sidookale wasiirka ayaa si wayn uga warbixisay waxqabadka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI 10 kii sano ee u danbaysay. Iyadoo kahadashay guulaha laga soo hooyiyay ladagaalanka dhaqamada iyo caadooyinka xunxun eelagula kicijaray dumarka.

Dhankakale, culimo awdiinka iyo qaarkamid ah bulshadii kasooqaybgashay munaasabadan ayaa iyana dhankooda kahadlay oo sheegay in gudniinka fircawniga ahi uu yahay mid aan diinta islaamka kubanaanayn islamarkaana ay xaaran tahay in gabdhaha laga jaro xubnahooda muhiimka ah.

ugudanbayna, munaasaban ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay riwaayado iyo heeso  wacyigalin ah oo ku qotama dhibaatooyinka gudniinka fircawniga ah kaasoo ay kasooqaybgalayaashu aad ugu riyaaqeen.