OGEYSIIS LAMAANAYAASHA IS CELMADAY

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 9ka February 2018. Ogaysiis waxaa dhamaan lamaanayaasha isdoortay ee raba inay is guursadaan ee beesha gabooye iyo beelaha kale  ee deegaanka la ogaysiinayaa  inay isaksoo diwaangaliyaan xafiiska arrimaha bulshada ee DDSI gaar ahaan Telefon numberkan 0985693937. Laga bilaabo maalinta bari ah oo ay taariikhdu tahay 10ka February 2018.  maadaama oo ay xukuumada iyo shacabka deegaanku ka taageerayaan kharashka ku baxaya arooskooda,  booska iyo gurigii looga dhisi lahaa, Shaqo abuur iyo gunooyin kale oo dhiirigalin ah.

Hadaba waxaa lamaanayaasha is doortay ee kasoo kala jeeda beelaha kale iyo beesha gabooye lagu  Wargalinyaa in la qaabilayo boqolka lamaane ee ugu horeeya diwaangalinta islamarkaana shuruudaha looga baahanyahay ay yihiin inay isjecelyiin iyo in  wiilku yahay gabooye gabadhuna tahay beelaha kale ama gabadhu tahay gabooye wiilkuna yahay beelaha kale.

Waxaa mar labaad lagu wargalinayaa lamaanaha is doortay ee raba inay is guursadaan ee kasoo kala jeeda beelahaas aan kor kusoo sheegnay islamarkaana buuxinaya shuruudahaas kor ku xusan inay la xidhiidhaan numberkaas kor ku qoran.

FG: Lasoco waxaa la qaabilayaa oo kali ah boqolka laamaane ee iskusoo hor diwaangalisa.