Degmada Awaare Iyo Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Awaare(Cakaaranews) Sabti 10ka  Feberuary 2018. Waxaa degmada awaare ee gobolka jarar   si rasmi ah  ooga bilaabmay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo  looga faaiidaynayo boqolaal bulshada ku dhaqan degmada awaare iyo nawaaxigeeda.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada awaare iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa kawarbixiyay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibraahim oo hogaaminayay kooxdan wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada awaare oo sheegay in adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa uu si rasmi ah u furmay islamarkaana ay ka faaiidaysanayaan boqolaal shacabka ku dhaqan degmada  awaare iyo nawaaxigeeda ee wax ka qabay dhanka araga. Isagoo intaa ku daray in qorshuhu yahay in 300 oo qof loo qalo indhaha iyadoo qaar kalena loo xidho doono muraayadaha indhaha islamarkaana uu mudo 7aad ah socondoono. Waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada aware oo sheegay  inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaana ay bulshadu si dareen leh ubogaadiyeen iyagoo u mahad celinaya xukuumada iyo cid walba oo soo diyaariyay adeegan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada  ku dhaqan degmada awaare  iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.