Xuska 11aad Ee 7aadka Canshuuraatka Dakhliga Oo Laga Xusay Deegaanka

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 10 February 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee SMCX kaqabsoomay munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo kusaabsan xuska 11aad ee 7aadka canshuuraadka dakhliga. Kaasoo ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta wakaalada dakhliga DDSI Odayaal dhaqameedka deegaanka,  

Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa furtaankeedii khudbad muhiim ah ka soo jeediyay  Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Dakhliga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan oo sheegay in munaasabadani ay kusoo aaday xili ay xukuumada deegaanku ay guulo wax ku ool ah kasoohooyisay dakhliga deegaanka. Iyadoo qorshayaasha fulinta kor uqaadida dakhligu ay lafdhabar u tahay kamidho dhlinta qorshayaasha horumarineed iyo kuwa kaabayaasha dhaqaale. Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahadcelyay ganacsatada deegaanka iyo waliba dhamaan hawlwadeenada dakhliga. wuxuuna tilmaamay in xukuumada DDSI ay qaadatay qorshayaal cadacad oo ku aadan horumarinta ganacsatada sharciga ah iyo wlaiba ladagaalanka ganacsiga sharcidarada ah ee kontrobaanka. Maareeyaha ay carabka kudhuftay in qorshayaasha kor uqaadida dakhliga deegaanku uu yahay mid xawli kusocda islamarkaana lasii xoojinayo si deegaanku iskufilaansho uga gaadho dhinaca dakhliga.

Sidookale, maareeyaha dakhlkiga iyo jibriyada dalka mudane Gobsaye oo isna kahadlay munaasabadan ayaa sheegay in dakhligu uu yahay adeegyada ugu muhiimsan ee bulshada looqabto islamarkaana kor uqaada horumarka. Wuxuuna xusay in ganacsiga sharcidarada ahi uu yahay mid caqabad ku ah horumarka dalka islamarkaana ay muhiim tahay in ganacsatadu ka digtoonaato.

Dhankakale, munaasabadan ayaa waxaa qayb ka ahaa su’aalo iyo dood-cilmiyeedyo kuaadan nidaamka  canshuur bixinta islamarkaana ay jawaabo cilmiyaysan ka bixinayeen masuuliyiinta dakhligu.

Isku soo wada duuboo, munaasabadan xuska 11aad ee 7aadka dakhliga ayaa waxaa halkudhag looga dhigay ‘’ bixinta casnhuurku waxay lafdhabar u tahay horumarka iyo mustaqabalka dalkeenu higsanayo.