Shirkii Wadahadalka Dawlada Itoobiya Iyo Ururka ONLF Oo Ka Furmay Nairobi

Nairobi(Cakaaranews) Axad, 11ka February, 2018.  Waxaa si rasmi ah uga bilawday magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya shirkii wada hadalka ee udhaxeeyay dawlada itoobiya iyo ururka ONLF. Iyadoo wada xaajoodkan uu dhanka dawlada itoobiya uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Halka dhanka ururka ONLF na uu hogaaminayo mudane Cabdiraxmaan Mahdi (Maaday).