46 cagaf cagaf oo lagu wareejiyay gobolada iyo degmooyinka deegaanka

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 12ka February 2018. Waxaa 46 cagaf cagaf lagu wareejiyay gobolada iyo degmooyinka deegaanka si ay uga jawaabaan qorshihii xukuumada qaadatay ee baabaca (BBC)

Hadaba 46 dan cagaf-cagaf ee lagu wareejiyay mas’uuliyiinta gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa furahooda ku wareejiyay wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo kula dardaarmay mas’uuliyiintan inay ilaaliyaan cagaf-cagafyadan iyo qalabkooda islamarkaana loo baahanyahay inay ugu shaqeeyaan sidoo loogu talagalay kana midho dhaliyaan qorshaha baabaca ee aynu isku filnaanshaheenii kusoo ceshanayno. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in mas’uuliyiintan looga baahan yahay inay shacabka ku baraarujiyaan qorshaha baabaca ee aynu isku finaanshaheena kusoo ceshanayno islamarkaana ka dhaadhiciyaan in shacabku ku foorarsado dhulka.

Ugu danbayn cagaf-cagafyadan lagu wareejiyay gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa ah 46 islamarkaana ay guud ahaan cagafyadani yihiin 114 cagaf-cagaf iyo qalabkoodii oo ay 64 kamid ah awoodoodu yihiin 80 power hourse meesha 50 kalena ay yihiin 40 power hourse.