Kulan lagaga hadlay kor u qaadista Bilicda Iyo Nadaafada MM Qabridahar Oo Ka Dhacay Qabridahar.

qabridahar,(cakaaranews)Isniin, 12ka February, 2018. Waxaa maanta ka furmay magaalada qabridahar gaar ahaan madasha shirarka ee kuliyada macalimiinta qabridahar kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo sii xoojinlahaa bilicda iyo nadaafada maamulka magaalada qabridahar.

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta maamulka magaalada qabridahar oo uu ugu horeeyo maayorka maamulka magaalada qabridahar mudane yuusuf xasan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulka magaalada qabridahar sida ganacsatada, odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi maayorka maamulka magaalada qabridahar mudane Yuusuf Xasan Cali oo sharax dheerka bixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankan maayorka ayaa sheegay in uu yahay mid diirada lagu saarayo sidii kor loogu qaadilahaa bilicda iyo nadaafada maamulka magaalada qabridahar islamarkaana ganacsatada maamulka magaalada qabridahar xooga u saarilahaayeen qurxinta magaalada iyo dhismayaasha magaalada qabridahar. Maayirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto horumarinta magaalooyinka DDSI gaar ahaan maamulada magaalooyinka taasi oo loo baahan yahay in ay kaalinta kaga aadan ganacsadada maamulka magaalada qabridahar ka qaataan. Maayirka ayaa ku booriyay ganacacsadada qabridahar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada qabridahar in ay qaataan kaalintooda.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada qabridahar oo ay ugu horeeyaan ganacsatada mm qabridahar ayaa balan qaaday in ay sii xoojinayaan islamarkaana ka soo baxayaan kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta iyo kor u qaadista bilicda iyo nadaafada mm qabridabar.