Maayorka MM Qabridahar Oo Kulan layeeshay Ganacsatada Magaalada

Qabridahar(cakaaranews)Talaado, 13ka February 2018. Maayorka Maamulka magaalada qabridahar oo ay waheliyaan masuuliyiin kale ayaa kulan layeeshay ganacsatada qaybaheeda kala duwan ee kudhaqan magaalada qabridhar. Kaasoo lagaga wada hadlayay dhanka dhismaha iyo quruxda magaalada islamarkaana ay ganacsatadu dhisato dhismayaal bilic leh oo ay kamid yihiin guryo dabaqyo ah si magaaladu ay ula tartanto magaalooyinka dalka.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Yuusuf Xasan Cali oo sheegay in ganacsatadu u gunto sidii ay uqurxinlahayeen magalaada qabridahar islamarkaana ay ganacsatadu dhisaan guryo fooqaq ah. Maayorka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in sidookale qurbajoogta u dhalatay magaalada qabridahar iyo nawaaxigeeda ay maalgashadaan magaaladooda.

Iskusoowada duuboo, magaalada qabridahar oo kamid ah 6da maamul magaalo ee uu deegaanku leeyahay ayaa ah magaalo koritaankeedu uu si xawli ah usocdo islamarkaana ay kasocdaan maalgashiyo kaladuwan.