Degmada Awbare Iyo Dhalinyarada Oo La gudoonsiiyay Lacagiihii Daynta Ahaa Ee Shaqo Abuurka Loogu Samaynayay

Awbare (cakaaranews)Arbaco, 14ka february 2018. Dhalinyarta iskaashatada ah ee lagu tababaray xirfadaha kaladuwan ee ay kamid ka yihiin naaxinta xoolaha  iyo waxsoosaarka beeraha ee kudhaqan degmada awbare ayaa si habsamileh loo gudoonsiiyay lacagihii daynta ahaa ee shaqo abuurka ay ugu samaysay Xukuumada DDSI.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Gudoomiyaha Degmada Awbare Mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sheegay in si habsamileh loo gudoonsiiyay dhalinyarada degmada awbare  lacagihii daynta ahaa ee xukuumadu ugu talagashay. Wuxuuna intaa kudaray in dhalinyartan ay yihiin iskaashatooyin ubadan naaxinta xoolaha iyo wax soosaarka beeraha kuwaasoo lasiiyay tababaro kaladuwan oo kuaadan shaqadooda iyo xirfada ay ay kushaqaysanayaan.

Dhanka kale, qaar kamid ah dhalinyartan iskaashatooyinka ah ee lagudoonsiiyay lacagaha daynta ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin lacagahan faraha badan ee maanta lagudoonsiiyay islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumadooda. Waxayna tilmaameen in ay waajibaadkooda kasoobaxayaan oo ay kamidho dhalinayaan shaqooyinkooda.

Iskusoowada duuboo, shaqo abuurka dhalinyarada ayaa kamid ah tubaha ay xukuumadu u qaadatay tirtirida saboolnimada si dalku uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.