Tababar Ku Saabsan Maaraynta Isbadalka Cimilada Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga ,(cakaaranews), Arbaca, 14ka, February, 2018. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka xamda tababar ku saabsan, maaraynta isbadalka cimilada oo soo diyaariyay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah  DDSI oo kaashanaya wasaarada horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee JDFI.

Tababarkan oo loo qabtay 45 xubnood oo ka socday degmada Tuli-guuleed iyo maamulka  magaalada tog-wajaale iyo khabiiro heer deegaan ah ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiir ku xigeenka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Ahmed Shugri Cabdi oo sharax dheerka bixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarkan. Wasiir ku xigeenka ayaa si qota dheer uga warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto  yaraynta saamaynta isbadalka cilimada, dadaal balaadhana loogu jiro sidii looga  hortagilahaa  saamaynta isdedalka cimilada, wasiir ku xigeenka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in xubnahan maanta loo furay tababarkan fahan buuxa laga siinayo wakhti gooreedyada cimilada, farsamooyinka casriga ah ee lagu yaraynayo khatarta saamaynta cimilada khaasatan maaraynta  cimilada saamaynta ku keenta wax soo saarka dalaga beeraha,  kuwaasi oo sii dhaagsiintooda qaybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir ku xigeenka ayaa tilamaamay in tababarka noocan oo kale ah la sii joogtayntooda  lana  gaadhsiindoona degmooyinka iyo maamul magaalooyinka kale ee DDSI.

Ugu dambayntii tababarkan ayaa mudada uu socdo waxa lagu qaadan doonaa cashiro ku taxaluqa sayarta, maaraynta iyo ka hortaga isbadalka cimilada iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casriya.