MW CMC Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Jaaliyada DDSI Ee Nairobi.

Nairobi, (cakaaranews), Arbaca, 14ka, February, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane  Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay safiirka dalkeena itoobiya u fadhiya   dalka Kenya ayaa kulan balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay la  yeeshay qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI ee wadanka kenya  gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Nairobi.

Haddaba kulankaasi oo ahaa mid taariikhiya ayaa waxaa  ka hadlay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii  uga xog-waramay qurba joogta  xaalada guud ee DDSI gaar ahaan dhinacyada  horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka, nabadgalyada taamka ah iyo nidaamka maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka wuxuuna ku booriyay madaxwaynuhu  in ay qurba joogtan DDSI ee dalka keniya  yimaadaan deegaanka islamarkaana ka qayb-qaataan hirgalinta qorshayaasha horumarka  kaalintooda kaga aadan.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay kulankan  soo dhawaynta ah qaarka mid qurba joogta DDSI ee dalka Kenya kuwaasi oo  si diiran u soo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisa islamarkaana uga mahad-celiyay imaatinka taariikhiga ah ee uu madaxwaynaha DDSI ku yimiday dalka keniya, kulankan mihiimka ah ee uu la qaatay qurba joogta  iyo waliba waxqabadka balaadhan ee ay xukuumada DDSI iyo XDSHSI wakhtiga kooban ku hirgaliyeen waxayna soo dhaweeyeen wada hadalka dalka itoobiya iyo ururka ONLF uga furmay magaalada Nairobi iyaga oo sheegay in ay wada hadalkaasi  ka filayaan guul dhaxal gal ah sidoo kalena balan qaatay in ay sii laba jibaaridoonaan  taageerada ay xukuumadadoodu u hayaan islamarkaana ka kaalintooda ku aadan kaga qayb-qaadanayaan.