Raisal-wasaare Hailemariam Desalegn Oo Keensaday Iscasilaad

Addisababa(Cakaaranews) Khamiis, 15ka February 2018. Raisal wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn ayaa kudhawaaqay inuu warqadii iscasilaada xilka gudoomiyaha xisbiga EPRDF iyo Xilka raisal wasaarenimada labadaba ugudbistay xisbiga EPRDF iyo ururkiisaba isagoo sababaha uu isucasilay kusheegay si wadanka nabadgalyo iyo xasilooni waarta looga keeno islamar ahaantaana ay iscasilaadiisu xal utahay in labalaadhiyo nidaamka dimuqraadiyada iyo xasiloonida dalka ee wakhti xaadirkan wadanka kahanaqaaday. Wuxuuna intaa kudaray, inuusan isucasilin sababo laxidhiidha khasab, cabsi IWM isagoo ay xisbiga EPRDF iyo ururkiisa SEPDM ay ka aqbaleen islamarkaana sheegay inuu xilka sii hayn doono ilaa inta uu RW cusub kuwareejinayo.

Wuxuuna shacabwaynaha itoobiya gaar ahaana dhalinyarta wadanka kuladardaaarmay inay sii xoojiyaaan horumarka xawliga ah ee wadanka kahanaqaaday wakhti xaadirkan islamarkaana ay bulshadu kaqaybgal wanaagsan kamuujiyaan nidaamka dhaqaalaha laba-jibaaran ee ay xukuumada wadanka ka arimisa soo hoyisay.

Ugudanbayna,  wuxuu mudane Haylemariam desalegn kula dardaarmay shacabka reer itoobiya inay sii xoojiyaan nidaamka wadanoolaanshaha, istixgalinta iyo dhaqamadii wanaagsanaa ee shacabka reer itoobiya lagu yaqaanay.