XAALADA DALKA IYO ISCASILAADA RAISAL WASAARAHA

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce, 16ka February 2018. Sida ay warbaahintu sheegtay, waxaa hubaal ah inuu raisal wasaarihii dalka mudane Hailemariam Desalegn uu iskii isucasilay islamarkaana ay ururkiisa iyo xisbiga EPRDF ba ay ka aqbaleen sheegeena in mudo gaaban gudaheed raisal wasaare cusub lagu soo dooran doono.

Hadaba, xaqiijinta doorashada raisal wasaaraha waxaa iska leh golaha dhexe ee xisbiga EPRDF oo kakooban 180 xubnood oo si isle'eg uga kala yimaada 4ta urur ee uu xisbiga EPRDF kubahoobay iyadoo ururkiiba ay kayimaadaan 45 xubnood(ururka TPLF ee deegaanka Tigraay waxaa kayimaada 45 xubnood, ururka ANDM ee deegaanka amxaarada waxaa kayimaada 45 xubnood, ururka SEPDM ee deegaanka shucuubaha koonfureed waxaa kayimaada 45 xubnood, ururka OPDO ee deegaanka oromadana waxaa kayimaada 45 xubnood). waxaana iska dhexdoorta gudiga fulinta ee xisbiga EPRDF oo kamid ah golaha dhexe ee 4ta urur kana kooban 36 xubnood oo si isle'eg uga kalayimaada 4ta urur ee uu xisbiga EPRDF kubahoobay oo ururkiiba ay kayimaadaan 9 xubnood. kadib marka ladoorto raisal wasaaraha waxaa kaliyah oo loo horgayn barlamaanka in lagu hordhaariyo oo kali ah meesha madaxwaynaha dalka uu baarlamaanku ucodeeyo ama cod uqaado oo uu kudoorto. Sidaasdarteed, ahmiyada doorashada waxaa iskaleh golaha dhexe ee xisbiga EPRDF oo kakooban 180 xubnood oo si isle'eg uga kalayimaada 4ta urur maadaama oo 4ta urur ay si coalition ah ugu midoobeen xisbiga EPRDF.

FG: EPRDF ma aha hal urur ee waa ururo si bahwadaag ah isugu yimid oo umidoobay sidaasdarteed ayayna urur kasta 45 xubnood uga imanayaan.

Xaqiiqaduna waxay tahay inay dawlada itoobiya tahay dawlad qadiimi ah oo mudo badan soo jirtay islamarkaana leh hay'ado nabadgelyo oo aad u adag oo ay kamid yihiin: ciidamada difaaca qaranka, ciidamada sirdoonka (Dhehninet), federaal policeka iyo qaar kale oo dhamaantood ah hay'ado si adag usugay iskadaa nabadgelyada gudaha dalkee xataa nabadgelyada wadamada aan dariska nahay ee dibada.

Hadaba, waxaa hubaal ah inay jireen bilihii lasoo dhaafay kacdoono dhanka nabadgelyada ah islamarkaana uu wakhti xaadirkan raisal wasaarihii dalka mudane Hailemariam Desalegn uu iskii isucasilay isagoo sheegay inay sababtu tahay si uu xalka nabadgelyada dalka qayb uga noqdo sidaasna ay ururkiisa iyo xisbiga EPRDFba kaga aqbaleen iscasilaadiisii balse uu sii wadi doono xilka ilaa inta rasial wasaare cusub laga dooranayo waxaase xaqiiqo ah in nidaamka federalismka ah ee dalka itoobiya uu yahay mid lagaga bixi karo xaalad kasta oo timaada. waxaana tusaale u ah dhibaatooyinkii hada kahor dhacay sida dhimashadii raisal wasaarihii hore ee dalka mudane Meles senawi oo dad badan khal-khal galisay iyo sidoo kale dhibaatooyin badan oo jiray kuwaas oo uu dalku kaga baxay rug cadaanimada xisbiga EPRDF.

Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in Wakhtigan xaadirka ah dawlad deegaan kasta uu yahay mid iskii isu maamula marka laga tago dawlada federalka ah ee guud oo lawada hoos tago. Waxkabadalka hogaaminta ama maamulka deegaan kastana wuxuu kuxidhan yahay go'aamada xisbigiisa waxaana tusaale cad u ah inuu raisal wasaare Hailemariam codsigiisii iscasilida uu ugu horayn ugudbistay ururkiisa iyadoo aqbalaadii uu kahelay ururkiisa kadibna ay gudiga fulinta EPRDF ka aqbaleen. Taasina waxay kuu cadaynaysaa in inkasta oo uu ahaa gudoomiyaha xisbiga EPRDF balse hadana qiimayn kasokow aqbalaada iscasilidiisa ama xil kaqaadistiisa in ururkiisu iskaleeyahay. waxayna kutusaysaa in talaabo kaqaadistu ay kuxidhan tahay ururka talada haya deegaan kasta. Sidaasdarteed, dalka itoobiya wuxuu wakhti xaadirkan kusugan yahay nabadgelyo buuxda. Xisbiga EPRDFna waa xisbi lagu yaqaano islahalgan iyo xalinta dhib kasta.

FG: doorashada raisal wasaaraha ayaa waxaa suurtagal ah inay qaadato wakhti yar oo aan badnayn maadaama oo ay ururada EPRDF qaarkood qiimayntoodii kujiraan.

Iskusoo wada duuboo, qormadan ayaa lahadlaysa shacabwaynaha soomaalida itoobiya ee dal iyo dibadba kusugan oo looga baahan yahay inay ogaadaan in maadaama uu jiro system dhidibadiisu ay hoos u aasan yihiin ilaa heer tuulo islamarkaana ay deegaan kasta kajirto dawlad maamulaysa inuusan marnaba wax dhib ahi dhacaynin. wakhti xaadirkana uu dalku kusugan yahay nabadgelyo taam ah. dawlada federalkuna ay shaqooyinkeedii caadiga ahaa kujirto. raisal wasaare Hailemariam Desalegnna uu sii wadayo xilka raisal wasaarenimo ilaa raisal wasaare cusub laga dooranayo islamarkaana uu xisbigu EPRDF yahay mid kabaaraandagay kana diyaargaroobay si aysan wadanka dhibaato uga dhicin iyadoo nidaamka lagu dhaqmana uu yahay mid hoos udhaadhacsan(decentralized)ee uusan ahayn mid ku kooban ama ku urursan dawlada dhexe(central gov't). Waxkasta oo dhacana waxaa xal u ah nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka. waxaana tusaale u ah shirkii gudiga fulinta EPRDF ee maanta oo isfahan buuxa la iskulaqaatay wax kasta oo xal u ah dalka islamarkaana uu si kalsooni ah raisal wasaaruhu codsigiisii iscasilida ugudbistay loogana aqbalay shirkuna uu galabta kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadeed oo gacmaha laiswadahaysto uuna sii socon doono maalmaha fooda inagu soo haya.