Degmada Gaashaamo Iyo Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Oo Si Rasmi Ah Uga Bilawday..

Gaashaamo(cakaaranews)Jumce, 16ka February 2018. Kooxda dhakhaatiirta qaliinka iyo daawaynta indhaha ee wareega oo maalmahnba kusugnaa degmada Awaare ayaa gaadhay degmada gaashaamo ee katirsan gobolka jarar. Iyadoo kooxduna ay adeegbixintoodii kabilaabeen xarunta caafimaadka degmada gaashaamo islamarkaana ay halkaasi isugu yimaadeen bulshadii uu dhibku ka haystay araga indhahoodu ee kunoolaa degmada gaashaamo iyo nawaaxigeeda kuwaasoo maalmahnba maanka kuhayay in maruun ay soo gaadhaan kooxdani.

Hadaba,  Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga Mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo horkacayay kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha islamrkaana  warbaahinta u waramay ayaa sheegay in maanta ay degmada gaashaamo si rasmi ah uga bilaabeen adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha. Wuxuuna xusay masuulku in fursadani ay tahay fursad qaali u ah dadka dhibaatada kaqaba dhaayaha aragooda. Wuxuuna tilmaamay in adeegani uu socon doono mudo 7 cisho ah islamarkaana ay xukuumadu uga talagashay in si bilaash ah ay uga faaiidaystaan dhamaan  dadka uu dhibku ka haysto araga indhuhu.

Dhankakale, qaarkamid ah bulshada ree gaashaamo ee adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha soo doonatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu farax san yihiin in ay degmada gaashaamo soo gaadhaan kooxdii qaliinka iyo daawaynta indhaha islamarkaana ay baryahnaba sugayeen. Waxayna xuseen in ay  sifiican uga faaiidaysanayaan adeegan uguna mahadcelinayaan ilaahay iyo waliba xukuumadooda qaaliga ah.

 

Iskusoowada duuboo,  adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ayaa ah mid ay xakuumadu u smaysay bulshada dhibaatadu ay kasoogaadho dhanka araga. Kaasoo ay fuliyaan dhakhaatiir aqoon sare u leh daaawaynta iyo qalinka indhaha islamarkaana kuwareega dhamaan degmooyinka deegaanka.