Tababar Kusaabsan Maamulka Iyo Maaraynta Lacagaha Cadaanka Ah

Jigjiga (cakaaranews)Isniin, 19ka February 2018. Waxaa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kaqabsoomay tababaar ay kasooqaybgaleen dhamaan agaasimayaasha waaxyaha xisaabaadka heer deegaan, madax kooxeedyada xisaabaadka iyo waliba lacag hayayaasha 1aad ee xafiisyada heer deegaan. Iyadoo tababarkana ay kubaran doonaan nidaamka maamulka iyo maaraynta lacagaha kaashka ah

Hadaba, furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn Kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Jamaal Faarax Warmooge oo sheegay in tababarkani kusaabsan yahay maamulka iyo maaranta lacagaha cadiinka ah. Wuxuuna in taa kudaray in  maaraynta lacagaha kaashki ahi ay yihiin lafdhabarta maaliyadeed. wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar daarmay kaqaybgalayaasha in mudada uu socdo tababarku ay si fiican u qaataan casharada islamarkaana ay ilaaliyaan wakhtiga.

Dhanka kale tababarkan ayaa waxaa intuu socdo lagu lafa guri doonaa casharo laxidhiidha maaraynta iyo xakamaynta lacagaha cadaanka ah, hanaanka maarynta, dib u habaynta maamulka akoonada dawlada, Saadaalinta qulqulka lacagta cadaanka ah, Xidhiidhka ka dhaxeeya maamulka lacagta cadaanka ah iyo Maaraynta nidaamka guud ee maaliyada iyo waliba Sixida gal daloolooyinka hanti-dhawrayaasha heer ferderaal ee soo noqnoqda

Isku soo wada duuboo tababarkan oo ah tababarkii 2aad ee noociisa  ah  sanadkan ee lasiiyo xisaabaadada sanadkan ayaa socon doona mudo 5 maalmood ah.