Kulan Lagaga Wada Hadlayay Mashruuca Dabargoynta Cudurka Kaligii Cunaha Ee Loo Yaqaano PPR Ayaa Ka Bilowday Magaalada Jigjiga

Jigjiga (cakaaranews)Talaado, 20ka February 2018.Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka bilawday tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta khayraadka xoolaha iyo reeguuraaga DDSI islamarkaana kuqotama mashruuca dabargoynta cudurka kaligiicunaha ama susunka ee afka qalaad loogu yeedho PPR islamarkaana kudhaca adhiga.

Tababarkan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay 75 xubnood oo ka kala socday degmooyinka iyo heer deegaan labadaba. kuwaasoo isugujiray madax xafiiseedada xafiiska Hor-khayraadka xoolaha iyo reerguuraaga ee 7 degmo iyo waliba qaarkamid ah khabiirada xafiiska iyo xafiisyada kale ee bahwadaagta la ah.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Wasiir Kuxiigeenka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Xoolaha Iyo Reeguuraaga DDSI Mudane Cali Cumar Axmed oo sheegay in tababarkani kusaabsan yahay cudurka kaligii cunaha ama sunsunka ee loo yaqaano PPR. Wuxuuna intaa kudaray in cudurkani uu dhibaato badan u leeyahay xoolaha gaar ahaan adhiga. Wuxuuna tilmaamay in casharada labarayo kaqaybgalaaysha tabababarkan ay yihiin kuwo kuqotama kahortaga cudurka iyo sidii loo dabargoynlahaa islamarkaana xogaha kusaabsan cudurkan si iskumid ah looga warhayn lahaa ilaa heer degmo, heerdeegn iyo heer federal.

Dhankakale, tababarkan oo ay casharada bixinayeen khabiiro u xeel dheer ayaa waxaa kaqaybgalayaasha looga faa’iidaynayay casharo ay kamid yihiin diyaarinta stratijiyadaha lagaga hortagayo cudurkan sunsunka, baadhida waxyaabaha keena cudurkan, xoojinka kormeerka talaalka ee kuaadan kahortaga cudurkan PPR iyo waliba caqabadihii soo foodsaaray mashruucan iyo sidii looga soo gudbay intuushaqada waday,

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa waxaa laga filayaa kadib markjuu dhamaado in kaqabgalaayshu kadhaxli doonaan faaiido aad u balaadhan oo kuaadan kahortaga cudurka kaliigii cunaha ee looyaaqno PPR