Odayaal Dhaqameedka DDSI Oo Xukuumada DDSI Uga Mahadceliyay Cafiska Maxaabiista.

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 22ka, February, 2018. Odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa waxay shirwaynihii wadatashiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI ee kadhacay magaalada Raaso ka codsadeen xukuumada DDSI inla siidaayo oo cafis loo fidiyo  maxaabiista  saxantay ee dhaqancelinta ugujirta xarumaha dhaqan toosinta   deegaanka  waxayna xukuumada DDSI xiligaasi balan qaaday in ay fulindoonto  codsigaasi.

Haddaba, iyada oo xukuumada DDSI ka   duulayo fulinta iyo ka jawaabida codsigii odayaal dhaqameedka deegaanka  ayaa waxaa  maalintii shalay  uu cafis ufidiyay madaxwaynaha  DDSI in ka badan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jirtay xarumaha dhaqan toosinta DDSI kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kaladuwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI. Sidaasna uu madaxwaynuhuna qalinka ugu duugay.

Odayaal dhaqameedka DDSI oo maanta kulan la qatay masuuliyiinta ugu sareeya xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa uga mahadceliyay xukuumada sida ay uga  jawaabcelisay codsigii ka yimiday odayaasha DDSI shirwaynihii wadatashiga xukuumada iyo shacabwaynaha DDSI ee   lagu soo daayay islamarkaana lagu cafiyay in ka badan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jiray xarumaha dhaqan celinta deegaanka sidoo kale waxay hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanku ku amaaneen xukuumada DDSI cafiska joogtada ah ee markasta ay xukuumada DDSI ufidiso maxaabiista deegaanka ee saxanta  iyo la tashiga qaybaha kala duwan ee shacabka la yeelato xukuumada DDSI sidoo kale waxay hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanku ka warbixiyeen  guulaha laga gaadhay natiijada cafiska maxaabiista , waxaa sidoo kale ay hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka  kacodsanaysaa heer federaal  in maxaabiista  deegaanka soomalida itoobiya ee u xidhan heer faderaal  in  lasiidaayo dambi kasta oo ay uxidhan yihiin, maadaama  oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee kadambi badnaa lasiidaayay.

Ugudambayntii, waxay madaxwaynaha DDSI iyo hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanku  kulankula  qaatay madasha shirarka SMCX maxaabiistii shalay la soo daayay ee ay xukuumada DDSI cafiska u fidisay. Waxayna, xukuumada DDSI cadaysay  in maxaabiistan la soo daayay loo samayndoono shaqo abuur ku salaysan xirfadihii ay barteen mudadii ay ku jireen xarumaha dhaqantoosinta deegaanka.