Tababar Kusaabsan Nidaamka Baris Barasho Ee Manhajka Waxbarashada Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 23ka February 2018. Waxaa hoolka shirrarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI kaqabsoomay tababar kusaabsan nidaamka baris barasho ee manhajka waxbarashada ciidanka gaarka ah ee (Liyuu-Boolis). kaasoo ay kasooqaybgaleen 40 xubnood oo kamid ah macalimiinta ciidaanka booliska gaarka ah ee DDSI.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarshada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in xafiiska waxabarashadu uu dadaal ugu jiro sidii uu bulshada ugaadhsiin lahaa waxbarasho tayo leh islamarkaana looga horumari lahaa dhanka waxbarashada. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in taababarkani kusaabsan yahay manhajka cusub ee loo diyaariyay ciidanka gaarka ah ee liyuu pooliska kaasoo ah manhaj waxbarsho oo tayo leh islamarkaana si cilmiyaysan loogu diyaariyay macalimiinta ciidanka gaarka ah ee kahawlgala rijmantiyada kaladuwan. wuxuuna carabka kudhuftay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadkooda aqoomeed ee ku’aadan nidaamka baris barasho ee macalimiinta ciidanka Booliska gaarka ah ee DDSI.

Dhankakale, Kusimaha Gadhwadeenka Geedisocodka Horumarinta Manaahijta Iyo Cilmi Baadhista Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI  Mudane Maxamed Cabdi Aadan oo sheegay inay lagam maarmaan tahay in  macalimiinta deegaanka lasiiyo tababaro kaladuwan oo lagu kabciyo garaadkooda aqoomeed islamarkaana uu tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee barayaasha ciidanka gaarka ah ee liyuuboolis kaasoo fahan dheeraad ah lag siinayo nidaamka baris barasho ee kuaadan manhajka waxbarashada ee loo diyaariyay ciidanka gaarka ah ee DDSI.

Ugudanbayna, qaarkamid ah macalimiinta ciidanka gaar ah ee liyuuboolis oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin kaqaybgalkooda ku’aadan tababarkan islamarkaana uu faaiido badan uleeyahay, uguna mahadcelinayaan xafiiska waxbarashada DDSI.