Gobolka Doolo Iyo Tababar Kusaabsan Barnaamijka JEG

Wardheer (cakaaranews)Sabti, 24ka February 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI islamarkaana kuqotama barnaamijka qiimaynta iyo darjosiinta shaqada ee loo yaqaano JEG iyo waliba barnaamijka Halbeega waxqabadka isudheelitiran ee loo yaqaano BSC ayaa kaqabsoomay xarunta gobolka Doolo ee degmada Wardheer..

Hadaba, tababarkan oo loo qabtay  dhamaan madax xafiiseedyada xafiiska adeega shacabka ee degmooyinka Gobolka Doolo iyo waliba qaarkamid ah khabiirada ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Adeega shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Mudane Xasan Aadan Xasan oo sheegay in tababarkani yahay tababar larabo in la iskuwaafajiyo shaqada iyo shaqaalaha kaasoo ah barnaamij kasocda dhamaan dalka oo magaciisu yahay qiimaynta iyo darjosiinta shaqada afkaqalaadna lagu dhaho Job and Evaluation Grade. Wasiir kuxigeenka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in nidaamkani yahay nidaam aad ugu haboon shaqada iyo shaqaalaha islamarkaana dhawaaan larabo inuu kahirgalo dhamaan dalkeena oodhan.

Sidookale, tababarkan ayaa waxaa isna kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Ahna Madaxa Xafiiska Caafimaadka Gobolka doolo Mudane Fawsi Axmed Ismaaciil oo sheegay in tababarkani yahay mid aad muhiim ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan 7da degmo ee uu gobolka doolo ka kooban yahay. Wuxuuna xusay in tababartayaasha uu u rajaynayo in ay sifiican u qaataan casharada oo ay noqdaan kuwo kamidho dhaliya casharada ay barteen.

Ugudanbayna, qaar kamid ah madax xafiiseedadii iyo khabiiradii kasooqaybgalay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan looqabtay. Waxayn xuseen in si kago’naansho leh ay uga faaiidaysanayaan tababarka, bulshadoodana usii gaadhsiinayaan.