Wardheer Iyo Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Ee Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Wardheer(Cakaaranews) Sabti, 24ka February, 2018. Kooxda dhakhaatiirta qaliinka iyo daawaynta indhaha ee wareega oo maalmahanba kusugnaa degmada Gaashaamo ayaa gaadhay magaalada wardheer ee xarunta gobolka dollo. Iyadoo kooxduna ay adeeg bixintoodii kabilaabeen hosbitaalka wayn ee  degmada wardheer islamarkaana ay halkaasi isugu yimaadeen bulshadii uu dhibku ka haystay araga indhahoodu ee kunoolaa degmada wardheer iyo nawaaxigeeda kuwaasoo maalmahnba maanka kuhayay in mar’un ay soo gaadhaan kooxdani.

Hadaba  Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga Mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo horkacayay kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha islamrkaana  warbaahinta u waramay ayaa sheegay in maanta ay degmada wardheer si rasmi ah uga bilaabeen adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha. Wuxuuna xusay masuulku in fursadani ay tahay fursad qaali u ah dadka dhibaatada kaqaba dhaayaha aragooda. Wuxuuna tilmaamay in adeegani uu socon doono mudo 7 cisho ah islamarkaana ay xukuumadu uga talagashay in si bilaash ah ay uga faaiidaystaan dhamaan  dadka uu dhibku ka haysto araga indhuhu.

Dhankakale, qaarkamid ah bulshada degmada wardheer iyo nawaaxigeeda  ee adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha soo doonatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay degmada  wardheer soo gaadheen kooxdii qaliinka iyo daawaynta indhaha islamarkaana ay baryahnaba sugayeen. Waxayna xuseen in ay  sifiican uga faaiidaysanayaan adeegan uguna mahadcelinayaan ilaahay iyo waliba xukuumadooda qaaliga ah.

Iskusoowada duuboo,  adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ayaa ah mid ay xakuumadu u smaysay bulshada dhibaatadu ay kasoogaadho dhanka araga. Kaasoo ay fuliyaan dhakhaatiir aqoon sare u leh daaawaynta iyo qalinka indhaha islamarkaana kuwareega dhamaan degmooyinka deegaanka.