Gudiga Boordhiga Maamulka Jaamacada Qabridahar Oo Yeeshay Kulankoodii Bil laha Ahaa

Qabridahar(cakaaranews)Axad, 25ka February 2018. Waxaa gudaha jaamacada qabridahar kaqabsoomay kulankii bill laha ahaa ee Gudiga boordhiga maamulka jaamacada qabridahar kaasoo oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha gudiga boordhiga Jaamacada qabridahar ahna Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa uu shirgudoonku soo bandhigay ajandayaasha kulankan oo kala ahaa xoojinta xaalada baris barashada jaamacda, nidaamka xeer hoosaadka ardayda iyo sidii loo dhaqan galin lahaa. Kadibna gudiga ayaa codbuuxa ku ansixiyay ajandayaasha kulanka

Dhankakale,  Madaxwaynaha Jaamacada Qabridahar Mudane Yuusuf Maxamed Cali ayaa gudiga u soo jeediyay warbixinta xaalada guud ee jaamacada qabridahar ee dhinacyada nidaamka baris barasho iyo waliba xaalada nololeed ee ardayda.

Sidookale, gudiga boordhiga jaamacada ayaa si wada jir ah usoo indho indheeyay guud ahaan jaamacada qabridahar iyagoo booqday dhismayaasha kaladuwan ee jaamacada.

Iskusoowada duuboo, jaamacada qabridahar oo ah jaamacada 2aad ee deegaanka soomaalida itoobiya islamarkaana kamid ah 11 jaamacadood ee dhawaan jaamacadaha dalka lagu soobiiriyay ayaa waxa ay wakhtixaadirkan si hufan ubixinaysaa dhamaan adeegyadii waxbarsho ee looga baahnaa jaamacada.