MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Jidka Laamida Ah Iyo Buundada Laga Dhisay Magaalada Jigjiga

jigjiga (cakaaranews)Axad, 25ka, February 2018.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray wadada laamida ah ee qoraxey street ee marta badhtamaha magaalada jigjiga iyo waliba dhismaha buundada iskuxidha xaafadaha 5aad, 17aad, 19aad iyo 18aad oo aan haba yaraatee xili roobaadka aan loo kala gudbi jirin magaalada iyo xaafadahaas.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig kajarka kadib lahadlay bulshada ayaa sheegay in mashaariicda dhismaha ee wadadan laamida ah iyo buundaduba ay ahmiyad balaadhan u leeyihiin bulshada deegaanka gaar ahaan bulshada kunool xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga. Wuxuuna xusay madaxwaynuhu in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta xadhiga kajaro dhismayaashan. Wuxuuna intaa kudaray in dhsimaha wadadan iyo buundaduba ay wakhti badan qaadatay oo ilaa 2 sano ah. Taasina ay katimid dhanka naqshadaynta iyo meesha ay wadadu marayso oo cidhiidhi ahayd. Maantana ay ilaahay mahadii tahay marba hadii lagu guulaystay.

Sidookale, Madaxwaynaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in uu aad ugu sii faraxsan yahay dhismaha buundadan islamarkaana ay iyadu wadada laamida ah uga muhiimsan tahay marka la eego baahida bulshada gaar ahaan bulshada kunool xaafadaha 5aad, 17aa 19aad iyo 18aad kuwaas oo  ay dhibaato badani ka haysatay xili roobaadka islamarkaasna aysan ukala gudbi jirin xaafadahooda iyo magaalada.

Dhankakale, qaarkamid ah bulshadii ka sooqaybgashay xadhig kajarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wadadan laamida ah iyo buundada ay xukuumadu fulisay islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar.

Iskusoo wada duuboo, jidkan oo ay dhismihiisa ku baxday aduun lacageed oo dhan 398 milion ayaa qayb muhiim ah kaqaadanaya bilicda iyo isu socodka gaadiidka Maadaama oo jidku yahay mid balaadhan oo labo haad ah baliciisuna yahay 30 miter.