Tababar Ku Saabsan Manhajka Waxbarashada Ciidanka Booliska Gaarka Ah Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 26ka February, 2018. Waxaa hoolka shirrarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI lagu soo gabagabeeyay tababar kusaabsan nidaamka baris barasho ee manhajka waxbarashada ciidanka booliska gaar ka ah ee DDSI (Liyuu-Boolis). Kaas oo loo hayay  40 xubnood oo kamid ah macalimiinta ciidaanka booliska gaarka ah ee DDSI.

Haddaba waxaa soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad  oo sheegay in uu ahaa tababar kor loogu soo qaadayay garoodka aqooneed ee barayaasha manhajka ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI kaas oo ka mid ahn  dadaal xafiiska waxbarashadu  ugu jiro sidii uu bulshada ugaadhsiin lahaa waxbarasho tayo leh islamarkaana looga horumari lahaa dhanka waxbarashada. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI mudo dheer dadaal xogan ugu soo jireen sidii ay nabadgalayda deegaanka xalwaara oo aan soo noqodlahay uga gaadhilahaayeen islamarkaana ay guulo waawayn oo midho dhal ah ka soo hooyeen meelna saareen nabadiidkii wakhtigii hore ugu dhaq-dhaqaaqijiray deegaanka wasiirka ayaa kula dar-daarmay xubnahan qaatay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan ujeedadii iyo ahmiyadii laga lahaa tababarkan.

Dhankooda barayaasha ciidanka booliska gaarka ah ee qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sharax dheerka bixiyay aqoontii iyo cashiradii ay ka barteen muddii uu socday tababarku waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay u gaadhsiinayaan dugsiyada ciidanka gaarka ee ay ka yihiin macalimiinta si loo gaadho natiijada ujeedata tababarkan