Shir Lagu Soo Bandhigayay Qalabyada Casriga Ah Ee Loo Adeegsado Hor-Waxsoosaarka Beeraha Oo Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 9ka March 2018. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah kaqabsoomay shir lagu soo bandhigayay qalabyada casriga ah ee lagu taageerayo horumarinta khayraadka beeraha si loogu gudbo dhinaca warshadaha.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa warbaahinta uga waramay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane axmed shugri cabdi Iyo waliba wasiir-kuxigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarx Warmooge oo sheegay in kulankan lagu soobandhigayay qalabyada casriga ah ee gashiga u noqon kora waxsoosaarka kaladuwan ee deegaankeena. Waxayna intaa kudareen in Shirkada ‘METIC’ qaybteeda warshada ah ee waxsoosaarka qalabka beeraha ee kutaala adama ay ujeedooyinkeeda kamid yihiin in  ay soo bandhigaan guudahaan qalabyada kaladuwan ee casriga ah ee loo adeegsado waxsoosaarka beeraha si dalku uga horumaro dhinaca waxsoosaarka beeraha kadibna loogu gudbo warshadaha.

Sidookale, masuuliyiinta ayaa xusay in shirkan si wayn loogu falanqeeyay faaiidooyinka qalabyada casriga ah ee beeraha iyo wlaiba in qalabyadan casriga ahi ay yihiin kuwo kuhaboon deegaankeena. Waxayna carabka kudhufteen in shirkani ahaa mid aad muhiim u ah oo laisku dhaafsaday arimo farbadan oo kuqotama horumarinta beeraha iyo wlaiba dhanka warshadaynta.

Iskusoowada duuboo, dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa mudnaan balaadhan siisay kafaaiidaysiga iyo waxsoosaarka khayraadka dhulka. Iyadoo shirkana laiskula meel dhigay nidaamka casriga ah ee waxsoosaarka beeraha ee loo adeegsanayo qalabka casriga ah ee loogu talagalay beeraha islamarkaana uu ahmiyad balaadhan u leeyahay qorshaha xukuumada DDSI ee ku’aadan waxsoosaarka beeraha.