Tababar Kusaabsan Horseedka Ardayda Iyo Awood-siinta Gabdhaha Ee Dhanka Waxbarashada Oo Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 9ka March 2018. Tababar ay soo agaasimeen ururka midawga ardayada ee jaamacada jigjiga oo kaashanaya xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay dhiirigalinta adrdayda horseedka ah iyo waliba awood-siinta gabdhaha ee dhanka waxbarashada ayaa si habsami leh uga qabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo shegay in shirkan ujeedadiisu tahay in ladhiirigaliyo ardayda horseedka ah islamarkaana korloogu qaadilahaa dhanka awoodsiinta Gabdhaha ee dhanka waxabarshada. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in xukuumada DDSI ay kor uqaaday dhanka kaqaybgalka dumarka ee dhinacyada siyaasada, waxbarashada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba. Islamarkaana ay door muhiima ah kaqaataan horumarka deegaanka.

Sidookale, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Marwo  Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo uguhorayn u mahadcelisay ururka midawga ardayada ee jaamacada jigjiga sida kagonaanshaha leh ee ay doorkooda uga qaadanayaan awoodsiinta gabdhaha ee dhanka waxbarashada. Waxayna intaa kudaratay in dastuurka dalku uu dhigayo in raga iyo haweenku ay u siman yihiin dhanka xaquuqda.

Isku soo wada duuboo, Tababarkan oo socon doono mudo 3 cisho ah ayaa waxaa ka sooqaybg alay arday tiradoodu dhantahay 35 xubnood oo ka kalasocda 7 dugsi oo kamid ah dugsiyada magaalada jigjiga. Waxaana lagu bari doonaa kaqaybgalayaasha kor uqaadista awoodsiinta, guulkagaadhista waxbarashada, aqoonsiinta dhanka waxbarashada iyo waliba muhiimada ay ardayga uleedahay nidaamka gudi kushaqayntu

 

.