Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Barnaamijka PSNPEe 8 Degmo iyo Qaarkamid Ah shaqaalaha Xafiisyada Bahwadaagta La Ah Xafiiska Beeraha Ayaa Ka Qabsoomay Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 10ka March 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI waaxdiisa damanadqaadka raashinka islamarkaana ay kasoo qaybgaleen shaqaalaha barnaamijka shabakada badbaadada waxsoosaarka EE PSNP qaybta technical commitega) qaarkamid ah shaqaalaha xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka  iyo xafiisyada ay bahwadaagta yihiin xafiiska beeraha ee 8 degmo oo kamid ah gobolada faafan, jarar, qoraxey, sitti iyo erer, ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Axmed Shukri oo sheegay inuu tababarkan yahay mid lagu kordhinayo garaadka aqaooneed ee shaqaalaha barnaamijka PSNP iyo xafiisyada ay xafiisku bahwadaagta yihiin islamarakaana loo baahanyahay in mudada uu cashirku socda si fiican uqaadataan saacadana la ilaaliyo maadaama tababarkan loo baahanyahay inaad ku shaqaysaan markaad ku noqotaan goobihii aad ka kala timaadeen.

Dhankiisa waxaa isna ka hadlay tababarkan agaasinka damaanadqaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in ay shaqaalahan tababarka qaadanaya ee iskudhafka ah ay kala yimaadeen 8 degmo oo kala ah gobolada faafan,jarar, qoraxey, sitti iyo erer wuxuuna agaasinku intaa ku daray in tababarkan uu yahay mid loogu tagalay in garaadka aqooneed ee gudiyada kala duwan ee barnaamijka lagu kordhinayo si natiijo wax ku ool ah loogu keeno geedisocodka barnaamijka, sidoo kale agaasinka ayaa tababar qaatayaasha kula dardaarmay inay fahan buuxa ka qaataan tababarka islamarkaana ay ku shaqagalaan fahanka ay ka qaateen tababarka.