Fiiq Iyo Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Ee Bilaashka Ahaa Oo Maalintii Labaad Galay

Fiiq(Cakaaranews) Sabti 10ka March 2018. Xukuumada DDSI oo dadaal dheer oogu jirta siday uga jawaabi lahaayeen baahida shacabka islamarkaana looga saarilahaa cadaw koobaad ee uu shacabkeenu leeyahay oo ah saboolnimadka ayaa xiliyadan danbe xooga saartay in shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga loo qalo ama laga daweeyo iyadoo loogu tagayo goobta uu daganyahay.

Waxaana maalintii labaad galay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo  looga faaiidaynayo boqolaal bulshada ku dhaqan degmada fiiq iyo nawaaxigeeda.

degmada fiiq ee xarunta gobolka erer  oo uu u ka socdo  adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada fiiq iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa kawarbixiyay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibraahim oo hogaaminayay kooxdan wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada fiiq ayaa sheegay in adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa uu maalintii labaad galay islamarkaana  ay bulshadu si fiican uga faaiidaysanayaan. Isagoo intaa ku daray in qorshuhu yahay in dhamaan  loo qalo indhaha iyadoo qaar kalena loo xidho doono muraayadaha indhaha islamarkaana uu mudo 7aad ah socondoono. Waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada fiiq oo sheegay  inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaana ay bulshadu si dareen leh ubogaadiyeen iyagoo u mahad celinaya ilaahayga usoodiray xukuumada iyo cid walba oo soo diyaariyay adeegan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada  ku dhaqan degmada fiiq  iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen ilaahayga xukuumada DDSI usoodiray oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.