MMJ Iyo Daahfurka Ololaha Talaalka Iskudhafka Ah Ee Kahortaga Cudurada Gooryaan Calooleedka, Indho-habeenaadka Iyo Baadhitaanka Nafaqo Darada Caruurta-yaryar

Jigjiaga(cakaaranews)Axad, 11ka March 2018. Waxaa si rasmi ah uga bilawday maamulka magaalada jigjiga ololaha talaalka iskudhafka ah ee kahortaga cudurada gooryaan calooleedka, indhohabenaadka iyo waliba baadhitaanka nafaqodarada caruurta yaryar.

Hadaba, waxaana ugu horayn daahfurkan furay islamarkaana kahadlay Madaxa Xafiiska Caafimaadka Iyo Arimaha Bulshada MMJ Mudane Badal Shekh Maxamed oo sheegay in ololahani uu yahay mid isugujira talaal iyo daawayn lagu daawaynayo caruurta dadoodu udhaxayso 6bilood ilaa iyo 5sano. Wuxuuna intaa kudaray in ololahani yahay mid kuqotama kahortaga  cudurada gooryaan calooleedka indhohabeenaadka iyo waliba baadhitaanka nafaqodarada caruurta yaryar. Wuxuuna tilmaamay masuulku in ololahan taageerihiisa laga helay xafiiska caafimaadka DDSI . wuxuuna kula dardaarmay dhamaan xirfadlayaasha fulinaya in siduu ahaa loo fuliyo islamarkaana waalidiinta caruurtu ay doorkooda kaqaataan maadaama oo uu ololahani yahay mid aad muhiim ugu ah caruurtooda.

Dhankakale, waalidiinta caruurta lasiinayo talaalka iyo daawaynta oo dareenkkodda kahadlaya ayaa sheegay in aad ugufarxsanyihiin incaruutooda lasiiyo talaal daawooyin iyo waliba fitamiino kaladuwan. Waxayna u mahadceliyeen masuuliyiinta soo agaasimay heer deegaan iyo heer maamul magaalaba.

Iskusoowada duuboo ololahan ayaa ah mid sanadkiiba 2jeer  laga fuliyo magaalada jigjiga islamarkaana looga faaiideeyo dhamaan xaafadaha magaalada jigjiga. Waxuuna ololahani kasoconaya magaalada jigjiga mud 4 maalmood ah.