Degmada Mustaxiil Iyo Adeegii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha Oo La Soo Gabagabeeyay

Mustaxiil(cakaaranews)Axad, 11ka March 2018. Waxaa xarunta caafimaadka ee degmada mustaxiil lagu soo gaba-gabeeyay adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha kaasoo looga faaiideeyay bulsho tiradoodu kor udhaafayso 926 qof oo ay 220 qof oo kamid ahi aragoodii dib u heleen kuwaas oo aan indhaha waxba ka arki karin.

Hadaba, Dr Hamsalu Yusuf Oo kamdi ah kooxda wareegta ee daawaynta iyo qaliinka indhaha oo kawrbixyay adeegbixintoodan daawaynta iyo qaliinka indhaha ee laga fuliyay degmada mustaxiil wuxuuna sheegay in si habsamileh ay u soo gabgabeeyeen. Wuxuuna xusay in ayadeg siiyeen dadfarbadan oo kor udhaafaya 926 qof oo isugujira daawayn, qaliin, iyo waliba ukuyaale ama muraayado siin. Wuxuuna tilmaamay in 220 qof oo kamid aha bulshadaas qalitaan lagu sameeyay islamarkaana uu argoodii u soonoqday. Islamarkaana ay aad uguriyaaqeen oo aysan filaynin in aragoodu u soonoqdo.

Dhanka kale, qaarkamid ah mas’uuliyiinta degmada mustaxiil oo iyana ka wrabixyay adeegan ayaa sheegay in bulshada kafaaiidaysanaysay adeegan ay kakala timid dhamaan tuulooyinka iyo senterada hoosyimaada degmada mustaxiil iyo nawaaxigeeda. Waxayna tilmaameen in boqolaal qof ay argoodii dib uheshay islamarkaana boqolaal kale lasiiyay daawooyin iyo waliba u kuyaalaha indhaha.

Iskusoowada duuboo, kooxdan daawaynta iyo qaliinka indhaha ee wareegta ayaa kadib markii ay dhameeyeen degmada mustaxiil usoo anba baxay degmada qalaafo islamarkaana wakhti xaadirkan kusugan.