Tababar Kor Loogu Qaadayo Hirgalinta Barnaamijka PSNP4 Ayaa Ka Furmay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 12ka March 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI islamarkaana ay kasoo qaybgaleen hogaaminta iyo agaasimayaasha 12ka xafiis ay bah-wadaagta yihiin xafiiska beeraha ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba Tababarkan ayaa waxaa furitaankii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inuu tababarka ujeedadiisu yahay siday hogaaminta xafiisyada bahwadaagta ahi kaalintooda uga qaadan lahaayeen barnaamijka PSNP4 islamarkaana bulshada deegaanka ugu baraarujin lahaayeen siday oogu faaiidaysan lahaayeen barnaamijka PSNP4, Waxayna madaxwayne kuxgeenku intaa ku dartay in fahan buuxa laga qaato tababarkan si loogusii gudbiyo bulshada deegaanka islmarkaana looga midhadhaliyo qorshaha barnaamijka PSNP4 oo ah barnaamij waxtar leh bulshada ka faaiidaysta yaasha ah ee ay hayntoodu yartahay eek u sugan 45 degmo ee uu ka hawlgalo barnaamijka PSNP.

Dhankooda waxaa iyana fikirkooda kahadlay qaar kamid ah hogaaminta xaafiisyada ay bah-wadaagta yihiin xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo sheegay inuu tababarkan yahay mid muhiim ah oo ay ka faaiidayaan oo  kor uqaadaya qaab shaqeedka ka dhexeeya xafiiyadan bah-wadaagta ah ee loo hayo tababarkan, Waxayna intaa ku dareen inay sii xoojin doonaan sidii bulshada deegaanka loogu baraarujinlahaa in ay sidii loogu talagalay ugu faaiidaystaan barnaamijkan PSNP4 oo ah barnaamij wax wayn kabadalay nolasha bulshada ka faaiidaystayasha ah ee ku sugan degmooyinka uu barnaamijkani ka hawlgalo.

Iskusoo wadaduuboo tababarkan ay kasoo qaybgaleen hogaaminta iyo agaasimayaasha 12ka xafiis ee bah-wadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ujeedadiisuna yahay siday usii adkayn lahaayeen wadashaqaynta barnaamijka PSNP4 kaalintoodana ugasoo bixilahaayeen ayaa socondoono mudo laba maalmood ah.