Qalaafo Iyo Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay

Qalaafo(Cakaaranews) Isniin, 12ka March, 2018. Xukuumada DDSI oo dadaal dheer oogu jirta siday uga jawaabi lahaayeen baahida shacabka islamarkaana looga saarilahaa cadaw koobaad ee uu shacabkeenu leeyahay oo ah saboolnimadka ayaa xiliyadan danbe xooga saartay in shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga loo qalo ama laga daweeyo indhaha iyadoo loogu tagayo goobta uu daganyihiin.

Waxaa degmada qalaafo ee gobolka shabeele   si rasmi ah  ooga bilaabmay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo  looga faaiidaynayo boqolaal bulshada ku dhaqan degmada qalaafo iyo nawaaxigeeda.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo dhamaanba shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada qalaafo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa kawarbixiyay   horjoogaha kooxdan wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada qalaafo oo sheegay in adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa uu si rasmi ah u furmay islamarkaana ay ka faaiidaysanayaan boqolaal shacabka ku dhaqan degmada  qalaafo iyo nawaaxigeeda ee wax ka qabay dhanka araga. Isagoo intaa ku daray in qorshuhu yahay in looga dhamaan shacabka indha la’aanta ah loo qalo indhaha iyadoo qaar kalena loo xidho doono muraayadaha indhaha islamarkaana uu mudo 7aad ah socondoono. Waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada qalaafe oo sheegay  inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaana ay bulshadu si dareen leh ubogaadiyeen iyagoo u mahad celinaya ilaahay, xukuumada iyo cid walba oo soo diyaariyay adeegan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada  ku dhaqan degmada qalaafo  iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen ilaahay iyo xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.