1500 Oo Qof Oo Kamid Ah Agoonta Iyo Haweenka Danyarta Ah Oo La Gudoonsiiyay Lacagihii Daynta Ahaa

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 13ka March 2018. Sida lawada ogsoon yahay Xukuumada DDSI ayaa ah xukuumad had iyo jeer xilwayn iskasaarta taageerida bulshada qaybaheeda kaladuwan gaar ahaan agoonta iyo danyarta kudhaqan deegaanka. waxaana maanta ay xukuumadu gudoonsiisay qaarkamid ah agoonta iyo haweenka danyarta ah aduun lacageed oo dhan 150 milyan oo birr. Kuwaasoo tiradoodu dhantahay 1500 oo qof oo laga soo kala xulay dhamaan 93degmo iyo 6da maamul magaalo ee  deegaankeenu ka kooban yahay.

Hadaba,  lacagahan lagu taageerayo danyarta iyo agoonta  ayaa ah mid ay xukuumadu bixiso sanad walba islamarkaana shaqo abuur loogu sameeyo, waxaana warbaahinta deegaanka uga waramay Kusimaha Maareeyaha Ahna Maareeye Kuxigeenka Hay’ada Adeega Lacagaha Yaryar Mudane Khadar Axmed Cabdi oo sheegay in xukuumadu ay qorshe uqaadatay in sanadwalba buslhada qoysaskeeda agoonta iyo haweenka danyarta ah lagasoo kala xulo dhamaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka si loo siiyo ama loo daymiyo lacago ay kushaqaystaan kadibna ugu anfacaan qoysaskooda islamarkaana ay kusooceliyaan mudo 5sano ah. tanina ay tahay qorshihii sanadkan loogu talagalay oo cadadkeedu dhanyahay 150 milyan oo Birr. 

Dhankakale, qaarkamid ah haweenka iyo agoonta danyarta ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI ee uu hogaanka uhayo madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Waxayna tilmaameen in ay balanqaadayaan in si aad ubalaadhan ay uga faaiidaysanayaan lacagahan faraha badan ee la gudoonsiiyay.

Iskusoowada duuboo, shaqo abuurka loo samaynayo bulshada qaybaheeda kaladuwan ee isugu jirta danyarta iyo xirfadlayaasha labadaba ayaa kamid ah qorshayaasha xukuumada ee lagula dagaalamayo cadawga koobaad ee bulshada DDSI ee ah Saboolnimada.