Gaadiid Wada Noocyada Kaladuwan Ee Quudinta Ee Loogu Talagalay Dugsiyada Oo Ka Anbabxay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Talaado,13ka March 2018.Barnaamijka quudinta dugsiyada oo ah barnaamij natiijo fiican ka keenay yaraynta loox tuurka ardayda islamarkaana ardayda kadhigay mid waxbarashadiisa sii wata oo aysan saamayn kuyeelanin abaaruhu.  Wuxuuna Xafiiska waxabarashada DDSI uu maanta u diray 446 dugsi  oo deegaanka ah  gaadiidka xamuulka ah oo wada noocyada kaladuwan ee quudinta dugsiyada islamarkaana ku kala yaala 83 degmo oo deegaanka kamid ah.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay warbaahinta deeganka ayaa sheegay in xafiiska waxbarashadu diyaariyay barnaamijka quudinta dugsiyada kaasoo loogu talagalay in ardaydu dugsiyada ay dhiganayaan ay kahelaan cunto nafaqo leh si abaaraha soo noqnoqda aysan saamayn ugu yeelanin ardayga islamarkaana ay uga hortagto in ardaygu uu looxtuuro ama uu waxabarshada iskaga baxo. Sidaasidarteedna uu maanta xafiisku diray baabuur sida noocyada kaladuwan ee adeega quudinta dugsiyada kuwaasoo loogu talagalay 446 dugsi oo kukala yaala 83 degmo oo deegaank ah. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in geediidkan ay kuraran yihiin noocyadii kalduwanaa ee quudinta kuwaasoo loogu talagalay in ay kafaaiidaystaan arday tiradoodu kor udhaafayso 246,401 arday.

Sidookale, wasiirka ayaa carabka kudhuftay in dugsiyadan hada lagu soo biiriyay barnaamijka quudinta islamarkaana ay ka duwan yihiin dugsiyadiii horay quudinta ulahaa ee ay hayada WFP kacaawin jirtay deegaanka.

Ugudanbayna, wasiirka ayaa sheegay in barnaamijkan quudinta ee ay hada fulinayaan taageerihiisa laga helay wasaarada waxbarashada JDFI. Wuxuuna maamulada gobolada iyo degmooyinka kula dardaarmay in si habsami leh adeegan ay u sii gaadhsiiyaan dugsiyadii loogu talagalay.