Wasiirka Xafiiska Hormarinta Khayraadka Biyaha DDSI Oo Ka Warbixisay Ka Faa’iidaysiga Biyaha Deegaanka.

Jigjiga, (cakaaranews), Arbaca, 14ka, March , 2018. Wasiirka xafiiska hormarinta khayraadka biyaha DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI  marwo Fartuun Cabdi  Mahdi  oo xafiiskeeda ugu waramaysay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixisay guulaha laga soo hooyay dhinaca horumarinta khayraadka biyaha 10kiisano ee ugu dambeeyay iyo mashaariicaha waawayn ee dhinaca biyaha  Galinta ee wakhti-xaadirkan wado xukuumada DDSI hirgalintooda.

Wasiirka ayaa ugu horayntii ka warbixisay guulaha laga gaadhay dhinaca horumarinta iyo fidinta adeega biyaha magaalooyinka sidoo kalena sheegay dhibaatooyinka  biyo’la aanta jirtay wixii ka horeeyay 10kii sano ee ugu dambeeyay  guud ahaanba deegaanka. Wasiirka ayaa ka warbixisay natiijooyinka muga leh ee laga gaadhay taaba galinta mashaariicaha  biyo galinta masaafada dheer oo adeega biyaha nadiifta ah lagu gaadhsiiyay degmooyin iyo tuulooyin tiro badan kuwaasi oo  looga faa’iidaynayo bulsho aad u tiro badan.

Dhinaca kale waxay Wasiirku  si qota dheer uga warbixisay mashaariicaha waawayn ee masaafada fog ee wakhti-xaadirkan gacanta lagu hayo fulintooda kuwaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca biyo galinta masaafada dheer iyo dhul daaqsimeedka ee banka xaquuga ilaa iyo gaashaamo oo ay ka faa’iidaysanayaan  degmooyinka iyo tuulooyinka ceelbaxay, qaydarlabiile, kaam-cumar caana madoobe, gaashaamo, dhagaxyo cade iyo cali jaamac taasi oo ay mashruucaasi ku baxayso in ka badan aduun lacageed oo dhan  216 millyan oo birr, iyada oo ay ka faa’iidaysanayaan bulsho dhan 78500 oo qof halka tirda 173,500. oo neef, marshuucaasi ayaa waxa uu dhererkiisu dhan yahay 120 KM.

Ugu dambayntii  waxa ay wasiirku ka warbixisay mashruuca wayn ee biyo galinta masaafada dheer ee Itishaale, dhadhabane,cobashe ilaa fiiq oo ah laba waji iyada oo wajiga 1aad ee itishaale ilaa cobasha ay ka faa’iidaysanayaan tuulooyinka itishaale,biiqa haloobiya dhadhabane, dawaarato, cali itoobiya iyo cobasha taasi oo ay dhan tahay miisaaniyada ku baxaysaa 156 millyan oo bir waxaana ka faa’iidaysanaya bulsho dhan 19151 qof halka tirade xoolaha ka faa’iidaysanayaa tahay in ka badan 350kun oo neef mashruucaasi ayaa waxa uu dherarkiisu dhan yahay  150 KM.